Somali

Välitä! waxay siisaa wax ka qabadka dhibaatada iyo kooxaha taageerada kooxaha ee dhibanaha iyo dembiilayaasha ee xad gudubka galmada siiba sida saaxiibadeed iyo qoyska. Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan.

 

Ku saabsan Välitä! adeegyada galmada

Välitä! waxay siisaa wax ka qabadka dhibaatada iyo kooxaha taageerada kooxaha ee dhibanaha iyo dembiilayaasha ee xad gudubka galmada siiba sida saaxiibadeed iyo qoyska.

Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan. Kuma xidhnin wax koox diimeed ama siyaasadeed ah. Waxaanu qayb ka nahay Qaybta Wax ka qabadka Dagaalka iyo Dhibta ee Setlementti Tampere ry. Hawl galadayada waxaa maalgelisa Wasaarada Arrimaha Bulshadda iyo caafimaadka, oo waxa dakhliguna ka yimaado  Veikkaus.

 

Waxaanu qabano

Waxaanu bixinaa falanqayn iyo hagitaanka dhibanayaasha, dembiilayaasha, saaxiibada iyo qoyska ku jira xaaladaha dhibta leh ee ay sababtay ku xad gudubka galmada. Waxaanu sidoo kale taageernaa kooxaha kaa caawin doona inaad ka bogsato khibradaha dagaalka.

Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinkeeda xad gudubka galmada.

  • Waxaad ka yar tahay 16 sano jir oo waxaa lagugu khasbay inaad galmo la samayso qof wayn.
  • Waxaa lagugu khasaby inaad galmo oggolaato wakhti kasta lamaanahaagu waxa uu doonayaa
  • Waxaa lagugu cadaadiyay samaynta falalka galmada aanad doonayn inaad samayso.
  • Qof ayaa siyaabo gaar ah adiga kuu taabto. oo aanad jeclayn
  • Qof ayaa sameeya talo soojeedin iyo dhibaatayn aan la doonayn dhankaaga. foolka foola ama onlayn.
  • Qof ayaa kugu dhaawaca adiga erayada galmada, fara ka hadalka ama sawirada.
  • Waa lagu kufsaday.

 

Waxaanu ku bixinaa caawimo telefoonka, onlayn iyo muddada kullanka gaarka ah. Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa isla markaaba ka dib shilka ama ka dib, xataa haddii shilka dhacay wakhti dheer oo hore.

Waxaad iman kartaa kullamada keli ama addoo uu kula socda saaxiib, xubin qoys ama xirfad yaqaan kaas oo aad taqaano. Waxaanu kaala hadli doonaa xaaladaada adiga oo waxaanu raadin qaabab lagugu caawiyo adigu inaad si wanaagsan dareento. Waxaanu kaa caawin doonaa inaad fahanto saamaynta waxa dhacay, ku siiyaa macluumaad ku saabsan xuquuqahaaga iyo, haddii ay lama huraan tahay in lagaa caawiyo inaad hesho taageero dheeraad ah.

 

Kumaa loogu talo galay adeegyada?

Adeegyadayada waxaa loogutaloi galay dhibanayaasha iyo dembiilayaasha ee xad gudubka galmada siiba sida saaxiibadood iyo qoyska.

Waxaad sidoo kale nagala soo xidhiidhi kartaa haddii aad ka shakisantahay gelida falkan, ama haddii aad ka werwersantahay wax ku saabsan falalkaaga.

Shaqaalahayagu waxay ku hadlaan Finnish iyo Ingiriisi, haddii kale waxaanu isticmaalnaa turjubaan, mar kasta oo ay suuragal tahay. Xafiiskayagu waxa uu ku yaalaa Tampere, laakiin waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa meel kasta oo Finland ku taala.